Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta hortegay Golaha Aqalka Sare ee dalka, isagoona ka hor akhriyay Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.
Intaas kadib Wasiir Beyle ayaa waxaa uu sheegay inay Maxkamad la tiigsan doonaan ciddii mar kale tiraahdo Soomaaliya ayaa musuq-maasuq ka jiraa.
”Ilaa Waligeen baa nala-lahaa Soomaaliya laguma kalsoonaan karo, waxba looma dhiibi karayo, saxiixoodu ma shaqeynaup, Tuugta ugu waaweyn baa joogta, 148 wadan ayaa la leeyahay Soomaaliya waxey ka tahay dalka ugu horreeya xagga musuqmaasuqa, waxaan leenahay bal halka aynu musuqmaasuqa uga caanbaxnay inoo sheega, ”ayuu yiri Wasiir Beyle.
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ayaa waxaa uu tilmaamay in hay’addaha soo saara warbixinadda la xiriira Musuq-maasuqa looga baahan yahay inay dalka yimaadan oo ay arkaan sida uu u shaqeeyo nidaamka Maaliyada dalka.