Inta badan wadamada Caalamka ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in ay berri oo ay taariikhdu ku beegan 6-da Bisha May tahay maalinta koowaad ee Bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo bishana laga arkay meelo badan oo dalka ka mid ah.
Gobolada Soomaaliya ee dadka ka arkeen Caawa Bisha Ramadaan ayaa waxaa ka mid ah Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Magaalada Jowhar ee Hirshabeelle iyo meelo kale oo babn.
Dhinaca kale Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta beri ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.
Radio Dalsan ee Magaalada Muqdisho waxa uu dhammaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan dunida Muslimka Ilaahay uga baryayaa in Soonkan kiisa kale ay caafimaad qab iyo Camal ay wanaagsan ku gaaraan.