Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka islaamka ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay adkeeyaan walaaltinimadooda, taakuleeyaan dadka danyarta ah, lana shaqeeyaan laamaha ammaanka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Bisha Ramadaan ayaa Caawa waxaa laga arkay qeybo kamid ah Gobolada dalka gaar ahaan degmooyinka Afgooye iyo Jowhar ee Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.