Ciidamada amniga oo xalay taariikhdu ahayd 5-April 2019-ka howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha hoose waxay ku guuleysteen inay helaan keyd hub ah oo Al-shabaab ay leeyihiin halkaas oo ay ka soo saareen 12-xabo Miinooyin oo ah kuwa Anti-Taangiga iyo labaatan Kiilo oo Sunta Qaraxyada laga sameeyo ah.
” Noocyada Miinooyinka ayaa ka kooban labo nooc oo kala ah nooca dhulka lagu aaso iyo midka wadada dhinaceeda la dhigo,Al-shabaab waxay doonayeen marka ay bisha Barakeysan ee Ramadaan bilaabato iney ku howlgalaan kuna waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka degan Gobolka Banaadir.”ayay tiri Zakiya Xuseen Axmed oo shir jiraa’id ku qabatay Muqdisho
Sidoo kale Ciidamada amniga oo kaashanaya shacabka ayaa gacanta ku soo dhigay labo xubnood 1-dii bishan April ku dilay degmada Waabari Marxuum Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsanaa askarta ilaalada deegaanka ee loo yaqaano Minashiibiyada.
Ciidamada amniga ayaa dardar gelinaya sugida amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka,waxayna mudooyinkii ugu dambeeyay wadeen howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.