Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay Xabsiga dhigtay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaas oo sida Wasaaradu sheegtay fal xun kula kacay Gabar Soomaaliyeed.
”Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed.
Sarkaalka la xiray ayaa maalma ka hor waxaa Baraha Bulshada lagu faafiyay Muuqaal,isaga oo ay Gacan ka hadal dhexmarayaan Haweeney la sheegay inay aheyd xaaskiisii hore,hayeeshee Wasaaradda Amniga ay xabsiga dhigtay.