Wafti uu hogaaminayo wasiirkuxigeenka caafimaadka Puntland Abdinaasir Yusuf Xaaji uuna la socday agaasimahq guud oo safar shaqo ku maraya gobolka Mudug ayaa xarunta karantiilka ee degmada Galdogob gaarsiiyay qalab looga hortagayo xanuunka Covid19.
Wasaaradda ayaa qalabkaan kala wareegtay hay’adda Care International,waxaana loogu talagalay in xaruntaan loo isticmaalo madaama degmada ay ku taalo meelaha ugu fog Puntland ayna marin utahay dadka ka imaanaya degaanaka soomalida Ethopia.
Wasiirkuxigeenka iyo agaasimaha ayaa shaqalaaha ka shaqaynaya xarunta iyo maamulka caafimaadka degmada faray inay laba jibaraan adeega ay bulshada uhayaana, qalabkaana sida ugu wangsan looga faa’iidaysto.
Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa culayska ugu badan saartay sidii xanuunkaan aduunka ka dilaacay looga wacyigalin lahaa bulshada sidoo kalena dhamaan degaanada Puntland loogayn lahaa qalabka looga hortago xanuunka iyo in la helo meelo lagula tacaalo dadka xaalada adag gala.