Wariye C/Fataax Kalgacal oo Weli Ku Jira Xabsiga CID

Wariye C/Fataax Xasan Axmed Kalgacal ayaa Weli u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya Kadib markii Shalay ay Xireen Askar ka tirsan Ciidmadda Dowladda.

Idaacadda Wariyaha uu u shaqeeyo Ee Goob Joog FM ayaa sheegtay in Wariyaha laga ka xeystay Gurigiisa loona waday Xarunta Dambi baarista ee CID.

Ciidamadda Dowladda Ee Xarunta CID ayaa  u diiday Madaxda iyo Shaqaalaha Goob Joog FM iney booqdan Wariyaha Sida lagu daabacay Bogga Radio Goob Joog.

Ururadda Saxaafadda Weli si rasmi ah ma aysan uga hadlin Arintan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor