Wareysi:-Wabiga Shabelle oo ku fatahay deegaano horleh

Fatahaado xoog leh ayaa lagu soo warramayaa in ay ka dhaceen deegaano hoos yimaada magaalooyinka Jowhar, Balcad iyo Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Fatahaadahan ayaa saameeyay kumanaan ruux, halka ay khasaaro u geysteen dhul beereed baaxad weyn oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellaah dhexe Cismaan Maxamed Mukhtaar (Cismaan Baareey)ayaa sheegay in fatahaada Wabiga Shabeelle uu saameeyey ilaa 23 Tuulo oo hoostaga Magalada Jowhar,isla markaana dad ay horay abaar u soo mareyn maantana ay dhibaato kasoo gaartay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Sidoo kale Mudane Beereey,ayaa waxa uu sheegay in Maamulka hir-Shabeelle dadaal farabadan kaidb ay ku guuleysteen in inta badan ay xiraan halkii uu ka fatahay Wabiga.

Deegaanada uu ka fatahay Wabiga Shabeelle ee Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa dadkii deganaa ay isaga barakaceyn kadib markii guryahooda biyo galeyn taas oo saameyn weyn ku yaalatay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Magalada Jowhar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media