(Warbixin): Madaxweyne Farmaajo oo iska casilay shaqadii Maraykanka iyo Mushaarkii uu ka qaadan jirey.

Hal maalin kadib, markii la doortay Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu iska casilay Shaqadii uu ka hayey Xafiiska Buffalo ee Waaxda Gaadiidka ee New York.

Waxa uu Mushaarkiisa sannadkiiba ahaa 83,954 Dollar oo lagu daray  Lacagta Qoyska oo buuxda.

Madaxweyne Farmaajo waxa Hawlgalka Shaqada Dowladda ugu harsanaa 7 sanno.

Sawirka Hoose waxa uu Madaxweyne Farmaaaajo la sawiran yahay shaqaalihii ay iskala shaqeyn jireen Xafiiska Buffalo ee Waaxda Gaadiidka ee New York (The Buffalo office of the New York Department of Transportation).

Si kastaba ha ahaatee, Lama oga Mushaarka uu Madaxweyne Farmaajo ku qaadan xilka Madaxweynaha DFS, inkastoo Miisaaniyadda ay ansixiyeen Xildhibaanadda BFS muujinayso inuu Mushaarka Madaxweynaha yahay 10,000 oo Dollar oo ay u dheer tahay Gunooyinka iyo Tas-hiilaadka Xafiiskiisa

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media