4 qof ayaa geeriyootay, ku-dhawaad 180-kalena waa la la’ yahay, kuwaasi oo lagu tirinayo inay dhinteen, kadib, markii dooni Jimcihii ka soo shiraacatay Xeebaha Libya ku degtay Badda Mediterranean-ka.
2-qof oo Ethiopian iyo 2-Eritrean ayaa ka badbaaday Doonidaasi, kuwaasi oo xalay gaaray Dekedda Degmadda Trapani ee Jesiiradda Sicilian ee dalka Talyaaniga.
Dadkaasi badbaaday oo kala ah 3 nin iyo haween ayaa u muuqday kuwo daalan oo dhibaataysan, waxayna ka sheekeeyeen Saxariirkii ay la soo kulmeen.
Waxay tilmaameen inay dooni ka samaysan alwaax oo ay la socdeen in ka badan 180-qof habeenkii Jimcihii ka soo raaceen Xeebaha Libya, iyadoo dhamaan dadkaasi ka soo jeedaan dalalka Bariga Afrika.
Waxay sheegeen markii ay 5 saacadood Badda ku jireen inuu qaribmay Matoorkii, isla markaana ay Doonidii bilowday inay quusto.
Dadkii la socday Doonida waxay ku wada hoobteen Badda, waxaana ka badbaaday 4 qof oo ay Kooxaha Gurmadka ka soo badbaadiyeen meel 30 nautical miles u jirta Xeebaha Libya.
Sidoo kale waxaa la soo badbaadiyey Markab ay leeyihiin Ilaaladda Xeebaha ee dalka Norway ayaa soo qaaday Afarta badbaaday, maydadka 4 qof iyo 34 qof oo kale oo laga soo badbaadiyey dooni kale oo degtay.
Dhamaantooda waxay xalay gaareen Dekedda Trapani ee dalka Talyaaniga.
Dhinaca kale, tan iyo bishan January 1-dii waxaa Xeebaha Talyaaniga gaaray ku-dhawaad 2,300 Tahriibayaal oo ka soo kala jeeda Bariga iyo Galbeedka Afrika.
©Radio Dalsan