• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, June 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(Warbixin):- Dowladda Kenya oo la sheegay inay Balaayiin Shillings ka macaashtay lacago ay xawileen rag Somali oo haatan ku xiran dalka Belgium

Dalsan Editor by Dalsan Editor
May 25, 2015
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Warbixintii ugu dambeysay ee Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda Hubka ee Somalia iyo Eritrea“The United Nations Monitoring Report on Somalia and Eritrea” ayaa waxaa su’aal la geliyey xiriirkii Dowladda Kenya kala dhexeeyey  Mohamed Abdullahi Maollim Aden “Tiiceey” iyo Mohamed Abdi Hassan “Afweyne”, kuwaasi  oo haatan ku xiran dalka Belgium, kadib, markii lagu helay inay taageeri jireen Hawlgalladda Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Warbixinta Guddigaasi, ayaa lagu muujiyey inay Kenya gabaad u tahay Dembiilayasha, halkaasi oo ay Saraakiisha si sahlan ugu fudueeeyaan Xawaaladda Lacagaha, Sharciyeynta  Ganacsiga iyo arrimaha kale.

Warbixinta ayaa lagu muujiyey inay Malaayiin amaba xitaa Balaayiin Kenya Shillings oo ka timid Burcad-baddeeda soo gashay dalka Kenya, loona adeegsaday Shirkadaha Diyaaradaha, Gaadiidka la soo dejiyo, Kalluumeysiga iyo Qeybta Tamarta iyo xitaa in lagu taageeray Falalka dembiyadda iyo Tahriibinta Hubka.

Sidoo kale, Ganacsato Kenyan ah ayaa la sheegay inay weli ku hawlgalaan inay weli ku shaqeeyaan Ilo dhaqaale oo xiriir la leh Qabqablayaasha Burcad-baddeeda Soomaalida.

Warbiixnta QM, ayaa lagu muujiyey in Mohamed Abdullahi Maollim Aden “Tiiceey” iyo Mohamed Abdi Hassan “Afweyne”  ay ganacsi ku lahaayeen gudaha Kenya, kuwaasi oo tan iyo bishii October 12-dii ee sannadkii hore  dhex yurura Xabsi ku yaalla dalka Belgium.

Boliska dalka Belgium ayaa qabtay labadaasi nin, markii ay yimaadeen magaalladda Brissels.

Afweyne iyo Tiiceey ayaa la sheegay in lagu hayo baaritaan la xiriira afduubkii Markabka POMPEII oo laga leeyahay dalka Belgium oo sannadkii 2009-kii lagu qafaashay Badda Somalia.

Warbiixnta ayaa lagu sheegay inaysan kala caddayn inay Dowladda Kenya marnaba baaritaan ku samaysay labadaasi nin wax dembiyo oo ay galeen.

Warbixinta u dambeysay ee   Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda Hubka ee Somalia iyo Eritrea“The United Nations Monitoring Report on Somalia and Eritrea” ayaa lagu sheegay in ay Tiiceey iyo Afweyne shan sanno ka hor Balaayiin Kenya Shillings ku maalgashteen Shirkad Diyaarad oo lagu magacaabo Central Air Aviation, taasi oo u kala duuli jirtey Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ee magaalladda Nairobi, Somalia  iyo Caasimadda dalka Kasargistaan ee Bishkeek.

Warbixinta waxa lagu muujiyey inay Ganacsatadaasi ku raaxaysteen Bii’adda Xasaanadda ee ay ku haystaan dalalka Kenya, Somalia iyo Kasargistaan, waaxana u suurto-gashay inay  maalgashtaan Ganacsiyo cusub, inay ka macaashaan Duullimaadyadda, Teknoolajiyadda iyo qeybaha kale.

Afweyne ayaa la sheegay inuu qorsheynayey sannadkii 2012-kii  inuu Diyaarad ka soo iibsado Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Kasargistaan, wuxuuna Diyaarado ka kireystay Shan Shirkaddo Diyaaradeed oo Kenyan ah oo ka shaqeyn jirey Garoonka Wilsan Airport ee magaalladda Nairobi.

Warbixinta waxa lagu sheegay in xarigii Afweyne aysan joojinin hawlihii uu ku jiray, iyadoo ay Shirkadda Diyaaradaha ee Central Air Aviation  weli ka hawlgalaan gudaha Kenya iyo meelo kale.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay Afweyne saaxiibadiisa qorsheeyeen inay afduubtaan Muwaadin u dhashay dalka Belgium, si ay ugu gorgortamaan in lagu sii daayo Afweyne.

Dhinaca kale, Warbixinta ayaa lagu muujiyey in Mohamed Abdullahi Maollim Aden “Tiiceey” oo haysta Dhalashadda dalka Maraykanka uu kaalin ku lahaa Dembiyadaasi, isla markaana uu Dhexdhexaadin ka geli jirey Maraakiibta iyo Badmaaxiinta ay burcad-baddeeda qafaashaan.

Waxaa kaloo la sheegay inuu Tiiceey kaalin firfircoon ka qaatay Qandaraaskii uu Dowladda Kenya kula galay wada-xaajoodka lala yeeshay Burcad-baddeedii afduubatay Markabkii MV Faina ee Taangiyadda T 72 u waday Milliteriga Kenya bsihii September ee sannadkii 2008-dii.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in inta badan La-haystayaasha laga soo dhoofin jirey Garoon Diyaaradeed oo gaar loo leeyahay oo ku yaalla Cadaado.

Xigasho:- The Satandard Media.

Previous Post

Markab Kalluumeysi oo Calanka Somalia watay oo laga mamnuucay Dekedaha dalka Cumaan

Next Post

Dhagayso: Warka Duhur 25-05-2015 by Cabdi waxiid Cabdulahi & Fartuun Cabdi Cali

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

June 15, 2025
Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
Caalamka

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

June 15, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

June 15, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan
Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

June 15, 2025
Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya
Warar

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya

June 14, 2025
Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay
Warar

Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

June 14, 2025
Next Post

Dhagayso: Warka Duhur 25-05-2015 by Cabdi waxiid Cabdulahi & Fartuun Cabdi Cali

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Shirkii wadatashiga qaran ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dib u dhacay, inkasta oo lagu...

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Weerar gantaallo culus ah oo ay Iran saaka ku qaaday gudaha Israa’iil ayaa si weyn u dhaawacay xarunta cilmi-baarista ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay dadaallada ay dowladda dhexe wado si loo xalliyo khilaafaadka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Cumaan, Cumar Badr Albusaidi, oo ka mid ah masuuliyiinta dhexdhexaadinta wadahadallada nukliyeerka ee u dhexeeya...

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
Caalamka

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan
Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security
English News

President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference
English News

Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
  • Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
  • Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00