Markab Kalluumeysi oo Calanka Somalia watay oo laga mamnuucay Dekedaha dalka Cumaan

Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Garsoorka Bii’adda Cagaaran (The Environmental Justice Foundation) EJF”ayaa  ku bogaadiyey Dowladda Oman dadaalka dheeriga ee ay Dekeddahooda uga mamnuuceen Maraakiibta lagu tuhunsan yahay inay wadaan shixnadaha Kalluumeysiga ee sida sharci-darradda looga soo jilaabto Badda dayacan ee Somalia.

Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda EJF, Steve Trent ayaa sheegay inay socdaan Hawlgal Caalami oo lagula dagaalamayo Xaalufinta lagu hayo Baddaha Somalia, wuxuuna xusay inay Dowladda Oman gacan ka geystaan taageeridda Kalluumeysiga Sharciga ah iyo Dhowrista Bii’adda ama Deegaanka.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Oman ka mamnuucday Dekeddaheeda iyo Suuqyadda in lagu iibiyo Kalluunka ay wadaan Maraakiibta loo aqoonsaday inay jillaabtaan Kalluunka Badda Sommalia.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda EJF oo ah Urur aan Dowli ahayn (Non Governmental Organization) ayaa lagu xusay inay ka walaacsan yihiin Markab wata Calanka Soomaaliyeed oo xaalufin xooggan ku haya Kheyraadka Kalluunka ee Badda Somalia.

Markabkaasi ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin Teknoolajiyad casri ah oo uu ku xaalufin karo Kalluunka, wuxuuna shixnadda kalluunka ku dejin jirey Dekedda Salalah ee dalka Oman oo hataan laga mamnuucay.

Markabkaasi ku qaraabta Calanka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay ku soo biireen Labo dooni oo lagu kala magacaabo POSEIDON iyo AL-AMAL, kuwaasi oo Kalluunka ka ugaarsada Badda Somalia.

Inta badan Maraakiibtaasi ayaa ka diiwaan-gashan dalka Koonfurta Kuurya, waxayna dhowrkii bilood mar beddelaan magacyadda Maraakiibta.

Saraakiil Somali ah ayaa qoraal u diray Dowladda Oman oo ay ku sheegeen inuu Markabkaasi fasaxiisa dhacsan yahay, isla markaana aysan labada doonyood wax Ruqsad ah u haysanin inay ka kalluumeystaan Badda Somalia.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Waaxda Horumarinta Kheyraadka Kalluunka ee Wasaaradda Beeraha iyo Kalluumeysiga ee dalka Oman, Ahmed Al-mazriouai ayaa sheegay inay ka go’an tahay Hirgelinta Jadwalka shaqo ee Hay’adda QM ugu qabailsan Cubtadda iyo beeraha ee FAO ee ay dalalka caalamka isaga kaashanayaan ka-hortagga Kalluumeysiga aan sharciyeysan.

Waxa uu xusay inay xiriir la sameeyeen Dowladda Federalka Somalia, isla markaana ay isla garteen in si wadajir looga shaqeeyo sidii tallaabo looga qaadi lahaa Maraakiibta sida sharci-darradda uga kalluumeysta Badda Somalia iyo kuwa wata Dukumentiyadda been abuurka.

Xigasho:- fis.com

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor