Sida lagu soo daabacay Websaytka Golaha Qaxootiga Norway (NRC) waxay Dowladda Britain sheegtay inay 16 millin oo Giniga Istarliinka ku maalgelinayso dhowrka bilood ee soo socda Barnaamijka looga hortegayo Macluusha Somalia.
Kharajkaasi ayaa la sheegay in lagu taageeri doono in ka badan 450,000 oo qof oo naf-badbaadin ah, kuwaasi oo loogu iibin doonto Cunto iyo Biyo.
Kharajkaasi  £16 million Pound ayaa qeyb ka ah Kaalmaadda ay Hay’adda UKAid ee ay ugu talagashay in wax loogu qabto Abaaraha iyo Macluusha ka jirta Somalia, waxayna Lacagtaasi guud ahaan dhan tahay 110 million oo Gini (£110 million Pound).
Warbixinta ayaa lagu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan Lacagta dhan 16-ka million ee Gini loogu wareejin doono 7 Hay’addo Aan Dowli ahayn (NGO), kuwaasi oo koox ahaan uga dhex shaqeeya gudaha Somalia.
Hay’addahaasi NGO-yadda waxaa ka mid ah: Norwegian Refugee Council, Action against Hunger, Cesvi, Concern Worldwide, Danish Refugee Council, International Rescue Committee iyo Save the Children.
Kharajkaasi ayaa la filayaa in isbuucyadda soo socda wax loogu qabto 331,000 oo qof oo lagu siinayo Taageeradda Gurmad Cunto, iyadoo in ka badan 125,000 o okalena lagu gaarsiin doono biyo nadiif oo ammaan ah.
Xaalladda Samafalka Aadminimo ee Somalia ayaa meel xun taagan, iyadoo kala bar 6.2 million oo ka mid ah 12 million ee dadka Soomaalida haysto ammaan-xumo dhinaca cuntada ah, halka 363,000 o oCarruur ahna yihiin kuwo nagafo-xumo hayso.
©Radio Dalsan