Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ku bilowday qarax uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah ayaa Caawa lagu qaaday hotelka Pescatore Sea Food oo ku yaalla xeebta Liido ee Muqdisho.
Qaraxa kadib ayaa waxaa la sheegay in rag hubeysan ay gudaha u galeen Hotelka oo xiligaas shir uga socday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka cusub iyo Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiil kale.
Dableyda hubeysan ayaa ka dhex dagaalameysa gudaha Pescatore Sea Food ee xeebta Liido, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee la helayo.
Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in Taliye Xijaar iyo Xildhibaano ku sugnaa hotelka la weeraray laga saaray halkaas, isla markaana ay badqabaan oo dhibaato aysan gaarin.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarka uu ku dhaawacmay Taliyaha Saldhiga degmada Cabdicasiis Liibaan Shidane oo ku jiray Pescatore Sea Food, waxaana socda gurmad loo sameeynayo dadka waxyeelada gaartay.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan weerarka ku bilowday qaraxa ee Caawa lagu qaaday hotelka Pescatore Sea Food oo ku yaalla xeebta Liido, degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.