Jugta qarax xoogan ayaa dhowr iyo toban daqiiqo kahor laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa mid uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana waxaa uu isku qarxiyey afaafka hore ee Hotel ku yaalla kasoo horjeeda Oceian View oo ku dhow xeebta Liido.
Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas xoogan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana hawada isku shareertay uuro iyo qiic.
Wararka ayaa intaas kusii daraya inuu jiro khasaaro kala duwan oo qaraxaas ka dhashay. La soco wixii kusoo kordha Insha Allaah.