Wararkii ugu danbeeyay Qaraxyo dhowr ah oo Maanta ka dhacay Caasimadda Ukraine

Ruushka ayaa dhowr gantaal ku garaacay magaalooyin ku yaalla dalka Ukraine, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Mayarka magaalada Vitaly Klischko ayaa sheegay in qaraxyo dhowr ah ay ka dhaceen caasimadda isla markaana ay ka dhasheen khasaare, waxaana ku dhintay ugu yaraan hal qof.

Dadka ku nool Kyiv ayaa gabbaad u raadsaday goobo gaar ah markii ay maqleen qalabka bixiyay digniinada.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka digay in Ruushka uu Ukraine ku qaadi karo weerarro hor leh xilligga dabbaaldegga sanadka cusub.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka digay in Ruushka uu Ukraine ku qaadi karo weerarro hor leh xilligga dabbaaldegga sanadka cusub.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor