Muwaadin Soomaali ah oo shalay ka badbaaday isku day Dil oo Maanta Weerar lagu dilay

Kooxo burcad hubeysan ayaa toogatay Cismaan Aadan Sheekh Buule, oo kamid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee goobaha Ganacsi ku leh dalka Koonfur Afrika.

Wiilkan Soomaaliyeed oo dukaamada geen jiray rooti ayaa lagu weeraray deegaanka kuwzakele ee duleedka magalada Port Elizabeth, waxaana dhaawac culus oo soo gaaray ugu geeriyooday isbitaal lagu daweenayay.

Sida aan warar ku helay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa shalay ka badbaaday weerar la doonayay in lagu dilo, hasa ahaatee kooxo hubeysan oo burcad koonfur Afrikaan ah ayaa mar kale weerar ku dilay

Ciidama ka tirsan booliska oo gaaray goobta uu falka ka dhacay ayaa la sheegay in ay baarayan dhacadadan, waxaa sidoo kale goobta gaaray xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida gobolka eastern Cape.

Gobolka eastern Cape gaar ahaan deeganada hoos yimaada magalada Port Elizabeth oo ay Soomaalida ganacsiyo xooggan ku leedahay ayaa waxaa waqtiyadii ugu dambeeyay ka dhacay dilal loo geeystay Soomaali gadiid ku wareejinayay Rooti iyo alaaba kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor