Wararkii ugu danbeeyay Darawal Muqdisho loogu dilay muran Lacageed

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo  xalay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Darawal Mooto Bajaaj, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdimajiid Maxamed oo ahaa wiil dhallinyaro.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dilka darawalka uu yimid, kadib markii Askariga dowladda iyo marxuumka uu marka hore muran kooban soo kala dhex galay, waxaana la sheegay in muran uu ahaa mid la xiriiray lacag lagu tilmaamay mid baad ah oo uu Askariga rabay.

Qaar kamid ah Ehelada Cabdimajiid Maxamed oo iyaguna saxaafadda u warramay ayaa u sheegay in wiilkooda oo ahaa darawal Mooto Bajaaj loo dilay si bareer ah, isla markaana dowladda Federaalka ay cadaalad ka dalbanayaan.

Waxay intaas kusii dareen Ehelka marxuumka in Cabdimajiid laga rabay lacag aan sharci aheyn oo uu doonayay Askariga falka geystay inuu siiyo, balse markii uu ka diiday uu rasaas uga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, uuna durbadii goobta ku naf-waayay.

Si kastaba, muddooyinkan dambe ayaa waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kusoo badanayay dilal ay geysanayaan Askar kamid ah dowladda Federaalka iyo falal kale oo ka dhex dhacayay qoysaska,, kuwaasi oo bulshada aad uga argagaxeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor