Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayey oo gaaray Ciraaq + ujeedkiisa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa  xalay gaaray magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baqdaad ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa la socday oo dalka Ciraaq uga qeyb galaya meertada 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta ayaa loo gudbiyey hoyga martida.

Guddoomiyaha Midowga Baarlamaanka Carabta ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Muhamed Al-Halbousi ayaa kulan la yeeshay Guddoomiye Aadan Madoobe oo dhigiisa uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor