Wararkii ugu dambeeyay xiisad ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Sool

Wararka laga helayo duleedka magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ku waramaya in maanta halkaas ay ka taagantahay xiisad u dhaxeysa ciidamo ka wada tirsan maamulka Somaliland.

Xiisadaan ayaa timid kadib markii deegaanka Gaajo-cade oo duleedka ka xiga magaalada Laascaanood lagu xiray laye ku xigeenkii qeybta Todobaad ee ciidamada maamulka Somaliland.

Ciidamadii daacadda u ahaa Taliye ku-xigeenka qeybta Todobaad ee ciidamada Somaliland Ibraahim Ashkir ayaa la sheegay in ay ka caroodeen go’aanka xabsiga loogu dhigay Sarkaalkaas isla markaana dalbadeen in alsii daayo hadii kalana ay dagaal bilaabi doonaan.

Warar lagu kalsoonaan karo aya sheegay in Taliyaha qaybta 7-aad ee Ciidamada Sooaaliland Korneyl Mahad Cambaashe ayaa la shaaciyey in uu amray xariga taliye ku xigeenka qaybta 7-aad ee ciidamada Somaliland Ibraahim Ashkir.

Comments
Loading...