Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax la sheegay in uu ahaa Bam Gacmeed kaas oo manta ka dhacay bartamaha magaalada Dhuusa-Mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Qaraxa ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan iyada oo dadka qaar ay sheegeen in uu ahaa BAM Gacmeed lagu tuuray goob Qaadka lagu Iibiyo halka dadkalana ay sheegayaan in uu ahaa Miino goobta lagusii diyaariyay.

Dad goobjoogayaal aha ayaa Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho waxa ay u sheegeen in 3-qof ay ku dhawacmeen qaraxaas,iyada oo mid ka mid ahna la sheegay in dhaawaciisu uu culusyahay.

Dhinaca kalana ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta gaaray iyaga oo kala ceyriyay dadkii rayidka ahaa ee kusoo xoomay goobta qaraxu uu ka dhacay,waxaana ay daqiiqado kooban xireen isku socodka dadka iyo gaadiidka halkaasi mari jiray.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan mana jirto cid loosoo qabtay qaraxaas Bam Gacmeedka ahaa ee la sheegay in lagu tuuray goob Qaadka lagu Iibiyo oo ku taalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Gamudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media