Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo Caawa gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku dilay mid kamid ahaa Saladiinta Gobolka mudug.
Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo,isla markanaa waxaa Suldaanka u geystay rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado,isagoona u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.
Marxuumka la dilya ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxman,kaas oo siweyn looga yaqaanay Gobolka Mudug.
Kooxihii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta uu falka ka dhacay ugu baxsaday luug yar oo halkaas ku yaallay sida dad goobjoogayaal ah ay xaqiijiyeen.
Intaas kadib ayaa goobta uu falka ka dhacay waxaa tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Gaalkacyo,isla markaan waxaa halkaas ay ka qaadeen Meydka Marxuumka,iyagoona sameeyay baaritaano kala duwan oo ay ku radinayaan ragii fuliyay dilka,hayeeshee laguma guuleysan in la soo qabto.
Weli ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug oo ay uga hadlayaan falkii loo geystay Suldaan Cabdullaahi