Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tirro hoobiyeyaal ah oo Maanta lagu garaacay Xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in Hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen gudaha Xarunta Xalane,halka qaar kalena ay ku dhaceen Nawaaxiga Garoona diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan 7 ruux ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen hoobiyeyaashii lagu weeraray Xarunta Xalane,kuwaasi oo isugu jiray dad shacab ah iyo Askar.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya iyo Taliska ee Xalane oo ay uga hadlayaan Madaafiicdii lagu weeraray Xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane.
Dhinaca kale War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkaas,iyagoona sheegay in qaar kamid ah Madaafiicda ay ku dhaceen xafiisyada QM iyo midka AU-ka.