• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Wararkii ugu dambeeyay doorashada Somaliland iyo Komishankao o digiin soo saaray

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 15, 2024
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
Wararkii ugu dambeeyay doorashada Somaliland iyo Komishankao o digiin soo saaray
30
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Guddiga doorashada Somaliland ayaa saqdii dhexe ee xalay war kasoo saaray doorashadii ka dhacday guud ahaan gobollada Somaliland, iyaga oo sheegay in tirinta codadka ay weli si habsami leh u socoto. Guddiga ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in laga fogaado faafinta wararka been abuurka ah ee ku saabsan natiijooyinka doorashada, gaar ahaan kuwa bulshada dhexdeeda abuuri kara xasarad iyo kala shaki.

Guddigu waxa uu fariin gaar ah u diray saraakiisha xisbiyada, isaga oo ka codsaday inay xil iska saaraan xogaha ay bulshada u gudbinayaan, kuna dadaalaan in aysan ka hor dhicin xaqiiqda si looga fogaado jahwareer bulsho.

Dhinaca kale, qaar kamid ah culimada iyo ganacsatada Somaliland ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay aqbalaan natiijada kasoo baxda doorashada. Waxay ku boorriyeen dhinacyada tartamaya in ay muujiyaan mas’uuliyad iyo wada shaqayn si loo ilaaliyo xasilloonida bulshada.

Sida ay odorosayaan warar hordhac ah oo ku saabsan doorashada, Xisbiga Kulmiye, oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha talada haya, Muuse Biixi Cabdi, ayaa u muuqda mid hoggaaminaya natiijooyinka hordhaca ah. Si kastaba ha ahaatee, Guddiga doorashada ayaa mar kale ku celiyey in aan la faafin warar aan xaqiijin ahayn oo ku saabsan natiijada kama dambaysta ah.

Xisbiga Waddani, oo uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isna lagu tilmaamay midka ugu cadcad doorashada, halka Kulmiye uu ku jiro kaalinta labaad sida la saadaalinayo. Dhanka kale, Xisbiga Kaah ayaa sidoo kale ka mid ah xisbiyada si weyn uga dhex muuqda doorashadan, iyada oo taageerayaashiisu rajo wanaagsan ka qabaan in ay ku guuleystaan kuraas muhiim ah.

Doorashadan ayaa si dhow ula socotay beesha caalamka oo korjoogto rasmi ah ka ahayd. Goob-joogayaasha caalamiga ah ayaa ku ammaanay hanaanka nabdoon ee ay doorashadu ku socoto, iyaga oo tilmaamay inay tahay tusaale u wanaagsan qaabka geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee Somaliland.

Doorashada Somaliland ayaa weli ah mid si weyn isha loogu hayo, waxaana la filayaa in natiijooyinka kama dambaysta ah lagu dhawaaqo marka tirinta codadka la soo gabagabeeyo. Guddiga doorashada ayaa ku adkaystay in ay hubin doonaan in natiijada lagu dhawaaqo si caddaalad ah, oo waafaqsan rabitaanka shacabka.

Previous Post

Madaale oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar uu ugu maqnaa Dalka Masar

Next Post

Madaxweyne Laftagareen oo Qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post
Madaxweyne Laftagareen oo Qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Madaxweyne Laftagareen oo Qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa ku dhawaaqday inay xireen 82 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan...

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

by Liban
July 16, 2025
0

Addis Ababa – Ethiopia’s national intelligence agency has announced the arrest of 82 individuals suspected of being members of the Islamic State...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo...

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

by Liban
July 16, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia has officially called on Puntland authorities to immediately halt hostilities in the Dhahar district of the...

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm
English News

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting
English News

Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
  • Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
  • Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00