Wararkii ugu dambeeyay Dhawaqa Madaafiic saakay laga maqlay Muqdisho

Dadka kunool Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waaberigii hore ee saakay maqlayay dhawaqa Madaafiic,kuwaasi oo ka dhacayay dhanka Xeradda Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Warar Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay heshay ayaa sheegaya in Madaafiicdaas laga dhex ridayay Xarunta Ciidamada AMISOM ee Xalane,isla markaana ay ahaayeen kuwa Tijaabo ahaan loo ridayay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Shaqaalaha ka shaqeeya Xalane shalay lagu wargeliyay in Ciidamada AMISOM ay tijaabin doonaan Madaafiic,isla markaana aysan ka naxin Tijaabadaas.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaarkood laga maqlayaa dhawaqa Madaafiic culus,kuwaasi oo aan la qoonsan halka laga soo tuuro,iyagoona geysta Khasaarooyin kala duwan iyo mid hantiyadeed.

 

Comments
Loading...