Wararkii ugu dambeeyay Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Galgaduud

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay Maanta ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug.

Ciidanka Xoogga ayaa la sheegayaa inay kaabiga ku hayaan deegaanada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas oo halkaas in muddo ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana deegaano duleedka ah lagu arkayaa gaadiidka nooca dagaalka.

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab ayaa shalay ka dhacay deegaano duleedka ah Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, waxaana dagaalka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada dowladda ayaa la wareegay gacanta ku heynta deegaanada, Bulacle, Xirsi-fiin, Cada-xaar, Ceel-guureeye iyo God-dhurwaa, halkaas oo markii ay ku suganyeen Shabaab, hayeeshee haatan ku sugan yihiin Ciidanka dowladda.

Taliyaha Xoogga Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in dagaalkii shalay Al-shabaab looga dilay 16-dagaalame, halka Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ay ku sheegteen in dagaalkii Galgaduud ay ku dileen 11 Askari, halka 8 kalena ay dhaawaceen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media