Warar lagu kasloonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu diiday dalab uu u gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas oo ku aadan Khilaaf kala dhexeeya Xildhibaanada.
Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal ayaa Madaxweyne Qoorqoor ka Codsaday inuu soo fara-geliyo Khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay isaga iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, kaasi oo la sheegay inuu gaaray meel adeg.
Ilo-wareedyo ayaa tilmaamay in Madaxweyne Qooqroor uu u sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug in arimaha Baarlamaanka ka dhex jira laga rabo inay iyagu xalistaan, hayeeshee uusan fara-gelin ku sameeyn karin.
Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa ku sugan Caasimadda Galmudug, waxaana la sheegayaa inay soo saari doonaan War ku aadan Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal oo khilaaf xoogan haatan kala dhexeeyo.
Khilaafka soo kala dhex-galay Xildhibaanada iyo Guddoomiye Gacal ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, xili Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.