Wararkii ugu dambeeyay oo aan ka heleyno duleedka Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in uu istaagay dagaalkii halkaas ku dhexmarayay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland gaar ahaan kuwo taageersan Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur Janan.
Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka yimid kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen Xerada BP1 oo ay Ciidanka Jubbaland ku leeyihiin duleedka Balad-xaawo gaar ahaan xuduudka una dhow Magaalada Mandheera.
Sidoo kale Dagaalkan oo la isku adeegsanayay hubka noocaydiisa kala duwan ayaa socda muddo saddex saacadood oo xiriir ah, isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada Ciidan soo kala gaaray iyo dad rayid ah.
Weriye ku sugan Magaalada Mandheera ayaa BBC sheegay inuu arkay dhaawacyo isugu jira dad rayid ah iyo askarta Jubbaland oo la geeyay Cisbitalka weyn ee magaladaasi.
Dhinaca kale gudaha Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa kusoo dhacay tiro Madaafiic ah, kuwaasi oo ku dhacay Guryo ayna gubteen, In kastoo aan si dhab ah loo ogeyn Khasaaraha ka dhashay.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinaya sida uu xooganaa dagaalkii Maanta ka dhacay duleedka Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkan Maanta qarxay uu sameeyn ku yeeshay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan Magaalada Mandheera, waxaana gudaha Magaalada laga maqlayay dhawaqa rasaas xoogan.