Waerar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal xoogan oo xalay iyo saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland iyo rag hubeysan oo Maleeshiyaad is uruursaday ah.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidanka Puntland ay weerar ku qadaeen fariisimo Maleeshiyaadka hubeysan ay ku leeyihiin agagaarka Cagaarweyne ee Xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo, waxaana halkaas ka dhacay dagaal xalay ilaa iyo saakay.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in Maleeshiyaadka la weeraray ay yihiin dad is uruursaday oo ilaalio u ah rag ka gancsada Maandooriyaha Qamriga, waxaana dadka xalay ay maqlayeen jugta rasaas xoogan oo la isdhaafsanayay.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo, waxaana la xaqiijiyay inay geeriyoodeen Afar ruux oo dhinyacyada ah, halka dad klaena dhaawacyo ay soo gaareen.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidamada Puntland ay la wareegeen Xaruntii ugu weyneyd ee Dadka Maandiiriyaha qamriga ka ganacsadaa ku lahaayeen Magaalada Gaalkacyo, waxaana haatan degan xaaladda Magaalada.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Puntland oo ay uga hadlayaan dagaalkii xalay iyo saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, kaasi oo geystay Khasaarooyin kala duwan oo labada dhinac.