Xukuumadda oo beenisay hadal kasoo yeeray RW hore ee dalka Kheyre

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay hadal dhawaan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo ku aadanaa in dowladda Federaalka laga joojiyay lacago uga imaan jiray Beesha Caalamka oo loogu tala-galay doorashada dalka ka dhaceysa.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa beeniyay hadalka kasoo yeeray Kheyre, isla markaana waxaa uu sheegay in aysan jirin wax lacag ah oo laga joojiyay dowladda Soomaaliya, uuna warkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

Waxa uu sheegay in qarashka ku baxaya doorashada dhammaystirkeeda ay ka wada shaqaynayaan beesha caalamka iyo dawladda 27-da bishan si loo diyaariyo lacagta doorashada oo lagu qiimeeyey ilaa 40-milyan oo Doller, islamarkaana dawladdu bixinayso 10% oo u dhiganta 4-milyan oo Doller, taas oo lagu caddeeyey miisaaniyadda 2021-da.

Lacagtaas ayaa loo qoondeeyey in lagu fuliyo hawlaha baaxadda leh ee doorashada, sida safarada gudiyada doorashada heer Federaal iyo heer dawlad goboleed, goobaha ay dagayaan, xafiisyada shaqada, tababarrada Ergada iyo gunooyinka hawlwadeenada.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Beyle ayuu xusay in aysan jirin dawlad ama hay’ad caalami ah oo Soomaaliya ka joojisay lacag ay siin jirtay sabab la xiriirta doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana uu xusay in xiriirka wada shaqayneed ee Soomaaliyada la leedahay Bankiyada caalamiga ah iyo hay’adaha dhaqaalaha adduunka uu yahay mid wanaagsan.

Si kastaba hadalka Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan Xasan Cali Kheyre uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya laga joojiyay lacago uga imaan jiray Beesha Caalamka, sababo la xiriira muran ka dhashay doorashada dalka ka dhaceysa.