Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo fasax galay

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta oo khamiis ah kulankii 10-aad ee kal-fadhiga 2-aad ku yeeshay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Caasimadda Maamulkaas.

Kulanka oo uu shir Guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed, waxaana ajendihiisu ahaa soo jeedinta Xildhibaanada ee u yeerida Guddoomiyeyaasha Gobolada Hiiraan iyo shabellada Dhexe iyo dhageysiga Warbixinta Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamanka Hirshabeelle.

Xildhibaan Mukhtar Xasan Maxamed ayaa Xildhibaanada kahor akhriyey soo Jeedinta Xildhibaanada ee u yeerida Guddoomiyayasha Gobolada ee Hiiraan iyo Shabellada Dhexe ee Axmed Mayre Makaraan iyo Cali Jeyte Cismaan.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdiwaxiid Maxamed Xuseen ayaa xildhibaanada kahor akhriyey Warbixinta Kal-fadhiga 2aad ee Baarlamanka Hirshaberlle

Ugu dambeyn Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa ku dhawaaqay in Kal-fadhiga 2aad ee Baarlamanka Hirshabeelle uu xiran yahay, wuxuuna Xildhibaanada kula dar daarmay in mudada fasaxa ay ku laabtan deegaan doorashadooda, si Kalfadhiga 3-aad  ay Barlamanka u horkeenan Warbixin kusaabsan xaalada nololeed ee deeganada