Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta oo sabti kulankii 9-aad ee Ka-lfadhigiisa 2-aad ku yeeshay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Caasimadda Maamulkaas.
Kulanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa waxaa uu Ajendihiisu ahaa dhageysiga Warbixinta Gudiga Maaliyadda iyo ansixinta akhrinta Miisaaniyadda sanadka 2022 ee Maamulka.
Su’aalo badan iyo dood dheer kadib Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey Miisaaniyadda sanadka cusub ee 2022 ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Miisaaniyadda ay ansixiyeen Xildhibaanada ayaa waxaa ay Tiradeeda gaareysaa 26,059,755.00(Laabatan iyo lix malyan, konton iyo sagaal kun, todobo boqol konton iyo shan dollar.), taasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Maamulka.
Maamulka Hirshabeelle ayaana laheyn ilo dhaqaale oo sidaa u badan, waxaana Maamulkaas lacagta Miisaaniyada ku baxda kabta dowladda Federaalka Soomaaliya.