Koox hubeysan oo Wiil Dhalinyaro ah ku toogtay Suuqa Bakaaraha

Kooxo ku hubeysan Bustoolado ayaa la sheegay in gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha ay ku dileen Wiil Dhalinyaro ah sida ay sheegeen Dad Goobjoogayaal ah.

Wiilkan Dhalinyarada ah ayaa la sheegayaa in xiliga la dilayay uu ku sugnaa Qeybta Bagaashka ee Suuqa Bakaaraha lamana oga cida ka dambeysa dilkiisa iyo sababta loo dilay.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu Wilkaas u Shaqeynayay shirkad ka Shaqeysa dhanka Nafaada.

Kooxdii ka dambeysa dilka Wiilkaas ayaa Goobta ka baxsatay,waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda in kastoo aysan ku guuleysan in ay Gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media