Xildhibaan kamid noqday Golaha Shacabka oo Goordhow lagu doortay Kismaayo

Waxaa Goordhow Magaalada Kismaayo kusoo dhammaatay doorashad Golaha Shacabka Baarlamaanka ee kursiga tirsigiisu yahay HOP114, kaasi oo ay ku tartameen laba Musharax oo kala ahaa Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi.

Doorashada kursiga HOP114 ee deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland ayaa waxaa ku soo baxay oo loo doortay Cumar Ibraahim Xaashi oo helay Codad gaaraya 80 Cod, halka Musharaxii la tartamay uu isna 12 Cod helay, 8 Cod ayaa halaawday.

Gudoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT Dr. Siyaad Maxamed Mursar ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii dhacday, wxuuuna sheegay in kursiga HOP114 uu ku guuleystay Cumar Ibraahim.

Xildhibaan Cumar Ibraahim ayaa kamid noqday Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana doorashadiisa goobjoog ka ahaa wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland.

Doorashada 5 kursi kale ayaa isla Maanta lagu qaban doonaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, sida uu qorshahu yahay…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor