Warar kalsoonaan karo oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ay kulan ku yeesheen Xarunta Xalane.
Kulanka u dhexeeyay Ambassador James Swan iyo Taliye Fahad Yaasiin ayaa la sheegay in looga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan Doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan dhamaadka sanadkaan 2020/2021.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in James Swan iyo Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay ka wada hadleen arrimo ku aadan Amniga dalka.
Waa kulanki u horeeyay noociisa oo Wakiil Diblomaasi ka tirsan Qaramada Modoobey la yeesho Taliye Sirdoon, kalana hadlo arrimo siyaasadeed, inkastoo aan war rasmi ah laga helin.