Waddooyinka qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa ay yihiin kuwa xiran, iyadoo loo diidayo inay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha raacaan iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa lagu arkayaa waddooyinka iyaga oo taagan, waxaana in wadada ay maraan oo kaliya loo ogyahay gaadiidka Mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa ay saaran yihiin Askarta.
Waddooyina la xiray ayaa waxaa kamid ah Wadada maka Al-mukarama, Jubba ilaa iyo Xamarweyne, wadnaha oo ka xiran Isgoysyada Hawlwadaag, Tarabuuka iyo kuwa kale oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Dadka ayaa saakay ah kuwa Cagtooda maalaya, isla markaan howlahooda shaqo iyo mida waxbarasho intaba ku tegaya lugta, waxaana lagu arkayaa iyaga oo socdaal ku maraya hareeraha laamiyada Caasimadda.
Sababta loo xiray Waddooyinka Caasimadda ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Maanta ka qeyb geli doono Munaasabad ka dhaceysa Xarunta Tiyaatanka Qaranka.
Inta badan Shacabka ku nool Gobolka Banaadir ayaa dhibaatooyin ku qaba xiliyada ay xiran yihiin wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoona goobahooda Ganacsiga iyo Waxbarashada ku tega Cagtooda.