Taliska Boliiska oo digniin u diray Darawalada gaadiidka dadweynaha ee Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar ayaa ka hadlay dhibaatada Virus-ka Corona uu ku hayo dunida gaar ahaana Soomaaliya oo la diiwaangeliyay 286-qof oo uu soo ritay.

Taliyaha ayaa faraay dadka in ay qaataan kaalintooda isla markaana ay ka fogaadaan goobaha la iskugu yimaado,si gaar ah waxa uu ka digay in la fariisto Maqaayadaha banaanadooda iyo gudahaba wax lagu cuno tan ugu haboona ay tahay in dadku ay qaataan cuntooyinka guryahoodaha ay kusoo cunaan.

Dhinaca kalana waxaa digniin culus uu u diray taliyaha Ciidanka Boliiska wadayaasha gaadiidka dadweynaha qaada isga oo faray in dadkii ay qaadi jireen ka yar looga baahanyahay in ay qaadaan hadii lagu arkana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.