Somaliland oo shaacisay Natiijada baaritaan lagu sameeyay Wariye Coldoon

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay Natiijada kasoo baxday baaritaankii ugu horreeyay ee Coronavirus ee dhawaan lagu sameeyay Wariye Cabdimaalik Musue Coldoon oo u xiran maamulkaas.

Agaasimaha Guud Wasaradda Caafimadka Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay  baaritaankii Koowaad ee lagu sameeyay Wariye Cabdimaalik Coldoon looga waayay Caalaamado muujinaya Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa waxaa uu sheegay in Wariye Cabdimaalik uu qabo Cuduro kale, hayeeshee uusan shaacin, waxaana la sheegay in Wariyaha uu ku dhex xanuunsanayo Xabsi uu ku xiran yahay.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in Cabdimaalik Coldoon jirkiisa laga qaaday dhiicaano kale, isla markaana laga war sugi doono Natiijada kale ee kasoo baxda baaritaankaas oo ku aadan Cudurka Coronavirus.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa u xiran Maamulka Somaliland, waxaana dhowr jeer laga Codsay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Cafis u fidiyo, hayeeshee arrintaas weli lama fulin.