Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay wehelinayaan Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo kamid ah xubnaha isbadal doonka Jubbaland ee dhawaan heshiiska la gaaray Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada kismaayo.
Iyadoo la ilaalinayo badqabka Bulshada waxaa Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee safarka ku wehelinayay ay mareen baaritaan Caafimaad iyadoo Madaxweynahu uu xariga ka jaray qaybo Cusub oo lagu kordhiyay garoonka Diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Madaxweynaha oo Saxaafada kula hadlay qaybta nasashada garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in uu si wanaagsan kusoo dhamaaday heshiiskii ay dhawaan gaareen xubnaha golaha isbadal doonka iyo Xukuumada Jubbaland waxaa Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in danta shacabka ay ku jirto heshiiskaas oo aan shaqsi loo danaynin balse shacabka loo turay.
Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in shacabka Jubbaland ay wadajir iyo Midnimo ku gaari karaan Hormar guud taas oo ay qayb ka tahay in wixii lagu kala aragti duwanaado wada hadal lagu xaliyo.
Wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in heshiiskaas uu u dhexeeyay Dowlada Jubbaland iyo xubnahii saluugay Doorashadii Sanadkii hore isla markana diyaar ay u yihiin in wixii dhiman la dhamaystiro isla markana laga shaqeeyo sidii shacabka Jubbaland ay dantoodu u noqon lahayd mid laga wada shaqeeyo.
Dhamaan dhinacyadii ka qaybqaatay sidii xal looga gaari lahaa khilaafkii jiray ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay sidii ay u garab istaageen shacabka ree Jubbaland sidii midnimadooda iyo wadajirkooda loo adkayn lahaa.