Siciid Deni oo magacabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee November 17, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Wuxuu xeeriyey:

 

  1. Waxaa Sareeyo Guuto Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowlad Goboleedka Puntland.

 

  1. Waxaa Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal) loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta ee Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynaha Puntland saxiixo, wuuna saxiixay