Waxaa Maanta oo sabti ah maalintii shanaad galaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda 5-da dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.
Madaxda Golaha ayaa xalay hotelka Decale ku yeeshay kulan hordhac u ah Shirka Maanta ee lagu sii amba qaadayo dooddihii Shirka Golaha ee looga hadlayo doorashooyinka, saxida waxyaabihii khaldamay, amniga dalka iyo jaangoynta doorashada Golaha Shacabka.
Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta mar kale isugu imaanaya Shirka Golaha, isla markaana dood adeg ka yeelan doona arrinta amniga oo ah qodobka ugu weyn ee la isku mari la’yahay Shirka.
Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa doonaya inuu la wareego mas’uuliyada amniga dalka, waxaana tallaabadaas ku taageeray Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, sida ay sheegayaan Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee afartii maalin ee lasoo dhaafay ka socday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaan weli is afgarad laga gaarin qodobada waaweyn ee Shirka horyaalla, waxaana Shirka uu noqon doonaa mid sii socda.
Si kastaba, Shacabka Soomaaliyeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa isha ku haaya Shirka u socda Madaxda Golaha Wadatashiga, waxaana siweyn loo sugayaa Natiijada kasoo bixi doonta Shirkaas looga hadlayo doorashada iyo amniga dalka.