Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe).
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale ayaa Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Taliye Indha-Qarshe.
Taliyaha ayaa la filayaa in uu la kulmo Madax ka tirsan Maamulka Jubbaland,sidoo kale uu booqdo Xeryaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Hoos Ka Daawo Sawirada Soo dhawyenta Taliyaha.