Maamulka Jubbaland ayaa ku guuleystay in uu gacanta ku dhigo dhowr neef oo geel ah kaas oo koox burcad ah ay ka soo dhacday deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Geelaan oo tiro ahaan lagu sheegay 12 Neef ayaa waxaa Burcada ay ka soo dhaceen Magalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.
Sidoo kale Jubbaland ayaa gacanta ku dhigtay raggii burcada ahaa ee geelaas soo dhacay,waxaana Maanta lagu wareejiyay dadkii lahaa oo ka yimid Magalada Wajeer.
Maamulka Jubbaland ayaa xiriir wanaagsan la leh dowladda Kenya,waxaana deegaanada maamulkaas ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa kenya oo ka mid ah howlgalka AMISOM.