Waxaa Maanta Magalada Jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida laga dejiyay Ciidamadii Jabhadda ONLF ee xoreynta Soomaali Galbeed,kuwaas oo ka ambabaxay Magalada Asmara ee Caasimadda Ereteriya.
Ciidamaas oo ah kuwa aan hubeysneyn ayaa waxaa Asmara ka qaaday Diyaarad ay leedahay shirkadda Itoabiya Airlines,waxaana ay ka dejisay Garoon ku yaalla Magalada Jigjiga.
Boqolaal ka mid ah Shacabka Magalada Jigjiga ayaa Ciidamaas kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garad Wiilwaal ee Magalada Jigjiga.
Ciidamadaan aya mudo dhowr Sano ka tirsanaa Jabhadda ONLF,waxaana imaatinka Magalada Jigjiga ay ka dambeysay heshiis dhexmaray dowladda Itoobiya iyo ONLF,isla markaana ururkaasi loo ogolaaday inuu noqdo urur siyaasadeed aan hubeysneyn.