Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sucuudiga Amb. Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Qunsuliyadda.
Ambassador Ilyas Sheekh Cumar oo dhowaan laga soo bedelay Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira ayaa xil la wareegiddiisa waxaa ay noqoneysaa tii ugu horreysay ee si rasmi ah ay u agaasinto wasaaradda arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.
Xilwareejinta oo ka dhacday Qunsuliyadda Guud ee Jidah waxaa ka qeyb galay marti hee sare ah oo ay ka mid yihiin Kusimaha Safiirka Soomaaliyeed ee Riyaad Amb. Saalim Macow Xaaji, Safiirka Soomaaliya u fadhiya ururka Iskasshiga Islaamka Amb. Abdirisaaq Siyaad Cabdi, Qunsul Kuxigeenka Soomaaliya ee Jidah Mr Axmed Maxamuud Diiriye (Macruuf), Agaasimaha waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliiya Danjire Mustafa Aadan Dagaal iyo Marti Sharaf kale oo isugu jiray diblomaasiyiin iyo dhamaan shaqalaha Qunsuliyada qeebaheeda kala duwan
Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa u sameyaya marti sharafka iyo shaqalaha oo dhan ee ka soo qeyb galay xil warejinta afur iyo casho sharaf si heer sara loo soo agaasimyay ayadoo ay ka soo qeyb galeen oo mas’uuliyiin kale waxana la gudonsiyay qusulka cashada kadib shahaado sharaf.
Danjire Ilyaas oo hawl badan ka soo qabtay dib u kicinta Safaaradda Soomaaliiya ee Qaahira ayey Dowladda Soomaaliyeed u geysay sucuudiga si uu wax badan uga hagaajiyo adeegyada dadka Soomaaliyeed ay ka doonayaan qunsuliyadda Soomaaliya ee Sucuudiga maadaama ay dad badan oo Soomaaliyeed ku nool yihiin Dalka Boqortooyada Sucuudiga.
Waxuuna ku bilaaway qosha howleedkiisa si waqfaqsan dowladnimada waxaan aad loo dareemayaa in si badan cusub uu soo socdo oo muhim u ah jaaliyada ku nool dalka sacuuduga
Waxana lagu yaqanaa danjiraha in uu yahay nin aad ubhol karnimo badan daacad u ah dalkisa iyo dadkisa una roon dhabanaha.