Saraakiisha DF iyo Al-shabaab oo guulo ka sheegtay dagaalo dhexmaray

Gelinkii dambe ee shalay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhexeeysa magaalooyinka Camaara iyo Bacaadwayne ee Gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaan ku dhow Camaara, waxaana labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhexmaray dhinacyada, waxaana ka hadlay dagaalkaas Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad.

Saraakiisha Ciidamada ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in dagaalkii dhacay lagu dilay 9 dagaalame oo ka tirsnaa Al-shabaab, halka tirro kalena uu dhaawacyio soo gaareen, iyadoona dagaalka uu ahaa mid aad u culus.

Dhinaca kale War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha qadka ee Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in dagaalkii ka dhacay deegaanka Bacaadwayne ay ku dileen in ka badan 53 Askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka.

Sidoo kale Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii ay ku qabsadeen 6 gaari oo nooca dagaalka oo ay ku xiranyihiin dhashiikayaal iyo Zuugag, sidoom kalena halkaas lagu dilay laba Sarkaal oo ka tirsan dowladda oo ay magacyadooda ku sheegeen Guuleed Dhaashito iyo Gadgadoon ina Faynuus.

Ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegasha labada dhinac ee khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Bacaadwayne ee Gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in subaxnimadii hore ee shalay  halkaas uu ka dhacay dagaal khasaro badan geystay.