Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Saldhiga Booliska Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho hoos-geeyay Taliska qeybta guud ee Gobolka Banaadir.
Wareegto kasoo baxay Taliye Xijaar ayaa waxaa Taliska qeybta Gobolka Banaadir lagu hoos geeyay Saldhiga Booliska Garoonka Aadan Cadde oo kamid noqonaya Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir ee hoostaga qeybta Guud ee Gobolka.
Saldhiga Booliska Garoonka ayaa markii hore waxaa uu ahaa mid madax bannaan, hayeeshee tallaabada lagu hoos geeyay Taliska qeybta Gobobolka ayaa ka dhigay in awoodda magacaabis iyo xil ka qaadis uu leeyahay Taliska Booliska.
Lama oga tallabadan inay la xiriirto arrin siyaasadeed iyo in kale, iyadoo maalmihii la soo dhaafay Garoonka diyaaradaha ay ka jireen dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, tan iyo wixii ka dambeeyay markii xerada Xalane ee ku yaala Xeyndaabka Garoonka ay dageen wafdiga Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ka dhacay shirar u dhexeeyay Axmed Madoobe, Saciid Deni iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo siyaasiyiin kale, kuwaasi oo looga hadlaayay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada.