Xukun lagu riday Ninkii lagu Eedeyay kufsi iyo dil loo geystay Ugbaad Cali

Maxkamadda Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah soo gaba-gabeeysay dhageysiga kiiska Nin lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay fal isugu jiray kufsi iyo dil oo Magaalada Burco loogu geystay Haweeneyd kamid aheyd dadka deegaanka.

Maxkamadda ayaa 25-kii Octoober 2020  bilowday dhageysiga Kiiska eedeysanaha oo loo heysto in fal kufsi iyo dil uu u geystay Haweeney lagu magacaabi jiray Ugbaad Cali Dhaban-loox, kaasi oo ay gacanta ku dhigeen laamaha amniga Burco.

Eedeysanaha ayaa Maanta Maxkamadda Gobolka Togdheer ee Somaliland waxaa ay ku riday xukun dil toogasho ah, waxaana Ninka dib loogu celiyay xabsiga markii hore laamaha amniga ku xireen.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kal horey sheegay in si deg deg ah loo fulin doono Go’aanka ay Maxkamadda ka gaarto kiiska Marxuumad Ugbaad Cali Dhaban-loox.

Allaha u naxariistee Ugbaad Cali Dhaban-loox ayaa aheyd Hooyo saddex Carruur ah dhashay, waxaana la sheegay in Ninka eedeysanahay uu u geystay fal isugu jiray kufsi iyo Dil, sida ay sheegeen Ehelada Marxuumada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media