Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan safaro ku bixin doona Magaalooyinka dowlad Goboleedyada ee loo qorsheeyay in ay doorashadu ka dhacdo.
Rooble ayaa shaaciyay in Jumcaha soo aaddan ama Sabtiga uu ka ama-bixi doona Magaalada Muqdisho, waxaana uu gaari doonaa Magaalooyinka Dowlad Goboleedyada ee loo qorsheeyay in lagu qabto dooarshada Golaha shacabka.
“Wixii ka billowda Jumacada ama sabtiga waxaan diyaariyay Safaro aan ku tagayo Goobaha ay ka dahcayso doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka” ayuu yiri RW Rooble.
Magaalooyinka Maamul Goboleedyada ayaa waxaa dhawaan si rasmi ah looga bilaabi doonaa doorashada Golaha shacabka, iyadoo ay socdaan diyaar garaw ku aaddan Dorashada Xildhibaanada aqalka hoose.