Ra’iisul Wasaare Rooble oo raalli-geliyay Imaaraadka ballan qaadna u sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay deeq Gargaar ah oo ay Soomaaliya soo gaarsiisay.

Deeqda Imaaraadka ayaa isugu jirtay raashinka noocyadiisa kala duwan iyo daawooyin, waxaana Gargaarka loogu tala-galay in la gaarsiiyo dadka ay Abaaraha ku saameeyeen Gobolada dalka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble dowladda Imaaraadka Carabka ka raalli galiyay dhacdadii loogala wareegay lacag gaareysay 9 Milyan, bishii April ee sanadkii 2018.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Imaaraadka Carabta u ballan qaaday in lacagtaas lagala wareegay oo ku jirta gacanta dowladda Federaalka Soomaaliya lagu wareejin doono Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.